Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka 3 dowladood oo cunaqabatayn saaray Kuuriyada Waqooyi

3 dowladood oo cunaqabatayn saaray Kuuriyada Waqooyi

Dowladaha Japan, Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogay Kuuriyada Waqooyi.
Xayiraadahan ayaa saameynaya saraakiil u dhashay xukuumadda Pyongyang oo lala xiriirinaya hub sharci darro ah.
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in xayiraadda ay sidoo kale falcelin u tahay tallaabooyinka ay Kuuriyada Waqooyi ku tijaabiso gantaallada riddada dheer.
Xukuumadda Washington ayaa hoosta ka xarriiqday in falalkan ay khatar ku yihiin amniga gobolka iyo si guud caalamka.
Waaxda maaliyadda ee Maraykanka ayaa shakhsiyaadka ay cunaqabataynta ku soo rogtay magacyadooda ku sheegtay Jon Il Ho, Yu Jin iyo Kim Su Gil.
Midowga Yurub ayaa bishii Afaraad ee sanadkan labadan qof xayiraado saaray.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Koonfureed ayaa dhankeeda shaacisay inay xayiraad saartay 7 qof oo dheeraad ah halka Japan ay qaadday tallaabo tani la mid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments