Sarkaal u hadlay dowladda Ukraine ayaa sheegay in tani iyo 24-kii bishii labaad ee sanadkan , duullaanka militari ee uu Ruushku halkaasi ka wado ay uga dhinteen ilaa 13,000 oo ka mid ahaa ciidamada qalabka sida.
Mykhailo Podolyak oo arrintan ka hadlay ayaa ah la taliyaha madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.
Dabaqaayadii bishii Siddeedaad ee sanadkan ayay ahayd markii madaxa militariga Ukraine uu tirada ciidamada ee laga dilay ku sheegay ku dhawaad 9,000 .
Podolyak ayaa hoosta ka xarriiqay inay si cad u sheegayaan khasaare nafeed ee ka soo gaaray duullaanka Ruushka.
Waxaa uu intaasi ku daray in tirada saraakiisha ee la dhaawacay ay ka sarreyso inta laga takhalusay.