Ku xigeenka injineerka warshadda Nukliyeerka ee Ukraine oo shaqada laga eryay

0
337

Waxaa lagu soo warramayaa in dowladda Ukraine ay shaqada ka eriday ku xigeenka injineerka ugu sarreeya ee warshadda nukliyeerka ee magaalada Zaporizhzhia.
Waxaa magaaladan weli haysto Ruushka oo Ukraine ka qabsaday.
Mas’uulkan ayaa lagu eedeyay inuu la shaqeynayay ciidamada qalabka sida ee xukuumadda Moscow sidaasi awgeedna uu ku kacay khiyaano qaran.
Arrintan ayaa lagu sheegay bayaan ay soo saartay shirkadda dowladda ee nukliyeerka ee Energoatom.
Tani ayaa timid hal maalin un ka dib markii Ruushka uu shaaciyay inuu dallacsiiyay injineer Yuriy Chernichuk si uu u noqdo agaasimaha warshadda ku taalla Koonfurta bari ee Ukraine.