Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Ruushka oo Maraykanka iyo NATO ku eedeyay inay qayb ka yihiin dagaalka...

Ruushka oo Maraykanka iyo NATO ku eedeyay inay qayb ka yihiin dagaalka Ukraine

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ruushka Sergey Lavrov oo wareysi bixiyay ayaa dowladda Maraykanka iyo gaashaanbuurta NATO ku eedeyay inay qayb ka yihiin duullaanka militari ee ay xukuumadda Moscow ka wado gudaha wadanka Ukraine.
Lavrov ayaa sheegay inay jirtay fursad dhab ah oo looga baaqsan karay dagaalka.
Waxaa uu intaasi ku daray in reer galbeedka aynan ka faa’iidaysan fursaddan oo ay door bideen inay iska indha tiraan soo jeedinnadii Ruushka ee ahaa in la joojiyo sii ballaarinta NATO oo lagu heshiiyo amniga xukuumadda Kyiv.
Hasa ahaate reer galbeedka ayaa dhankooda sheegaya in dowladda Ruushka ay ka hor inta aynan ku duulin Ukraine soo jeedisay waxyaabo aan macquul ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments