Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda oo xal u raadinaysa amniga Wajeer iyo Isiolo

Dowladda oo xal u raadinaysa amniga Wajeer iyo Isiolo

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in xal waara loo helo iskudhacyo horay u saameeyay galbeedka Wajeer iyo ismaamulka dariska la ah ee Isiolo.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu kulan la qaatay hoggaamiyaasha siyaasadeed ee Wajeer iyo ku xigeenka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Nuur Gaabow.
Barasaabka Wajeer Axmad Cabdullahi, senatarka ismaamulkaasi Cabbaas Sheekh Maxamad iyo xildhibaannada deegaan baarlamaneedyada ee shirka ka qayb galay ayaa dhamaan cadeeyay inay ka go’an tahay la shaqeynta dowladda.
Waxay hoosta ka xarriiqeen inay dowladda dhexe si dhow ugala shaqeyn doonaan sidii bulshada loo mideyn lahaa iyo fulinta mashaariicda horumarineed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments