Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC
ayaa sheegay in dacwad lagu soo oogay Benson Logiel Lokwang.
Shakhsigan ayaa horay xil wasiirnimo uga soo qabtay dowladda
hoose ee ismaamulka Turkana.
Waxaa la soo taagay maxkamadda qaabilsan la dagaalanka
musuqa ee magaalada Lodwar.
Waxaa lagu soo oogay dacwad ah inuu si sharci darro ah ku
qaatay hanti dadweyne.
Garsoore sare, Charles Mayamba ayaa eedeysanaha ku siidaayay
damiin lacageed oo dhan 3 milyan oo shilin.
Maxkamadda ayaa kiiskan mar kale soo hadal qaadi doonto 15-ka
bishan Diseembar.
2. He was charged with fraudulent acquisition of public property, knowingly using a misleading document to one’s Principal, providing false information to EACC, and making a document (degree/ diploma certificate) without authority.
— EACC (@EACCKenya) November 30, 2022