Dowladda oo racfaan ka qaadanaysa go’aankii maxkamadda ee ka dhanka ahaa GMO

0
246

Waxaa la filayaa in dowladda dhexe ay maxkamadda u gudbiso dacwad racfaan ah oo ay uga soo horjeeddo amarkii lagu hakiyay in dalka la soo geliyo dalagga sida casriga ah lagu soo saaro ee loo yaqaano GMO.
Amarkan ayaa waxaa dhawaan soo saartay maxkamadda sare ee Kenya.
Dowladda iyo cid waliba oo ay ahaataba ayaa laga hor istaagay inay si toos ah ama si dadban dibadda dalka uga keento dalaggan.
Hasa ahaate xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda beeraha ee dalka Harry Kimutai ayaa sheegaya inay rajeynayaan in la tixgeliyo racfaanka ay gudbin doonaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda ay kulamo kala duwan qabatay ka hor inta aan meesha laga saarin amarkii sanadkii 2012-kii lagu mamnuucay in dibadda laga soo dejiyo dalagyada casriga ee GMO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here