Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kenya oo laga xaqiijiyay 1,094 oo ah kiisaska daacuunka

Kenya oo laga xaqiijiyay 1,094 oo ah kiisaska daacuunka

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shaacisay in gudaha wadanka laga diiwaangeliyay xaaladaha xanuunka daacuunka oo gaaraya 1,094.
Dhacdooyinkan ayaa laga soo tabiyay 10 ka mid ah ismaamullada dalka .
Xaaladaha ugu tirada badan ee daacuunka ayaa laga xaqiijiyay dowlad deegaannada Nairobi, Garissa iyo Machakos .
Arrintan ayaa waxaa shaaciyay sii hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Kenya Dr. Patrick Amoth xilli uu ismaamulka Machakos ku soo bandhigayay warbixin ku saansan ka hor tagga iyo la tacaalidda caabuqa.
Dr. Amoth ayaa intaasi ku daray in dhammaan 17-ka deegaan baarlamaneed ee Nairobi laga diiwaangeliyay kiisaska daacuunka.
Ilaa iyo hadda waxaa xanuunka gudaha dalka ugu dhintay 25 qof.
Sii hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ayaa xusay in dowladda dhexe oo kaashanaysa 47-da ismaamul ay diyaarisay tallaabooyin ay ka mid tahay in baaritaano la sameeyo si loo xakameeyo faafidda cudurka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments