Dib u eegis lagu sameeyay dacwad dil ah oo loo haystay wasiiradda adeegga dadweynaha

0
239

Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa dib u eegis ku sameysay dacwad la xiriirta dil la gaystay oo loo haystay wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha Aisha Jumwa .
Tani ayaa timid ka dib markii qareenka matalaya Jumwa uu codsi u diray waaxda dacwad oogidda.
Danstan Omari ayaa codsaday in maadaama wasiiradda aynan ka qayb qaadan dilka lagula kacay Ngumbao Jola waaxduna aynan soo bandhigin caddeymo wax ku ool ah in eedeysanaha ay noqoto marqaati matalaysa dowladda.
Agaasimaha waaxda dacwad oogidda Nuurdiin Xaaji ayaa codsi ku aaddan dib u eegistan u gudbiyay maxkamadda tani oo la soo hadal qaadi doono 21-ka bisha Diseembar ee sanadkan.
Waxaa la filayaa in Aisha Jumwa ay xilligaasi maxkamadda ka soo hor muuqato si ay uga war bixiso wixii dhacay.
Dilka ayaa dhacay sanadkii 2019-kii xilli uu socday ololaha doorashadii ku celiska ahayd ee deegaanka hoose ee Ganda ee ismaamulka Kilifi.
Falkani ayaa lala xiriiriyay wasiiradda iyo ilaalaheeda oo lagu magacaabo Geoffrey Okuto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here