Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Maxkamadda oo hor istaagtay in dalka la soo geliyo dalagga GMO

Maxkamadda oo hor istaagtay in dalka la soo geliyo dalagga GMO

Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay amar ay ku hor istaageysa in dowladda dhexe ay ku dhaqaaqdo qorsho wadanka lagu soo gelinaya galleyda casriga ee GMO.
Waxaa amarkan bixiyay garsoore Mugure Thande.
Xaakinka ayaa sidoo kale mamnuucay in cid kale ay si dadban ama toos ah dibadda Kenya uga keento dalagga lagu soo saaro qaabka casriga ee loo yaqaano GMO.
Amarka maxkamadda ayaa yimid ka dib dacwad ay gudbiyeen beeraleyda dalka.
Kooxda matalaysa beeraleyda ayaa maxkamadda u sheegtay in dowladda ay si aan nidaam ahayn meesha uga saartay xeer sanadkii 2012-kii lagu mamnuucay cuntooyinka GMO.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments