Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Madaxweynihii hore ee Comoros oo lagu xukumay xabsi daa’in

Madaxweynihii hore ee Comoros oo lagu xukumay xabsi daa’in

Maxkamad ku taalla dalka Comoros ayaa xabsi daa’in ah ku xukuntay madaxweynihii hore ee wadankaasi Axmad Cabdalla Sambi, ka dib markii lagu helay dambi la xiriira qiyaano qaran.
Hoggaamiyahan hore ee la xukumay islamarkaana ay da’diisu tahay 64 sano, ayaa lagu helay dambi ah inuu baasaboorka dalkiisa ka iibin jiray dadka aan haysan ee ku nool waddamada Khaliijka.
Sambi ayaa hoggaaminayay dalkan ku yaalla Jasiiradda badweynta Hindiya intii u dhexeysay sanadihii 2006-dii ilaa 2011-kii.
Sanadkii 2008-dii ayuu soo saaray sharci oggolaanaya iibinta baasaboorka, waxaana lagu eedeeyay inuu ku lunsaday malaayiin doolar, qorshahaan oo tan iyo xilligaasi lagu tilmaamayay fadeexad dhaqaale oo weyn.
Balse qareenka u dhashay Faransiiska ee matalaya Mr. Sambi ayaa sheegay inaysan jirin wax caddeymo oo la hayo sidoo kalena aysan jirin xisaab sax ah oo la helay.
Sambi ayaa diiday inuu ka qaybgalo dacwadda maadaama qareennadiisu ay sheegeen inaysan jirin wax damaanad ah oo muujinaya in dacwaddan si caddaalad ah loo qaadayo.
Axmad Cabdalla Sambi madaxweynihii hore ee Comoros ee hadda xukunka xabsi daa’inka ah lagu riday ayaa mucaarad ku ah madaxweynaha Comoros hoggaaminaya Azali Assoumani.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments