Guddoomiye ku xigeenka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC Juliana Cherera ayaa dooneysa in baarlamaanka uu muddo dheeraad ah ku kordhiyo dhageysiga dacwaddaa xil ka qaadisteeda, si ay uga jawaabto eedeymaha loo soo jeediyay.
Cherera iyada oo adeegsaneysa qareenkeeda oo lagu magacaabo Apollo Mboya ayaa maanta ka soo hormuuqday guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan arrimaha garsoorka iyo dastuurka ee JLAC.
Waxaa ay tilmaantay in wakhtiga ugu yar ee la siiyo jawaab bixiyeyaal kasta si ay uga jawaabaan dacwado loo soo jeediyay ay tahay 14 cisho, si dhageysiga dacwadda uu u noqdo mid cadaalad ah.
Guddoomiye ku xigeenka guddiga IEBC iyo 3 sarkaal oo kale oo guddigan ka tirsan ayaa Khamistii toddobaadkii hore waxaa baaritaanno ku billaabay guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan arrimaha garsoorka iyo dastuurka ee JLAC, kuwaas oo afar dacwadood loo gudbiyay.