Madaxweynaha Burundi oo maanta Nairobi ka daahfuri doono shirkii 3-aad oo looga hadlaya nabadgalyada DRC

0
436

Madaxweynaha wadanka Burundi Evariste Ndayishimiye ayaa ku sugan caasimadda dalka ee Nairobi, si uu u daahfuro kulankii saddexaad ee looga arrinsanaya amniga jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Kulanka ayaa galabta ka furmi doono magaala madaxda wadanka ee Nairobi.
Madaxweynaha Burundi oo sidoo kale ah guddoomiyaha jaaliyadda Bariga Afrika ee EAC, ayaa gelinkii dambe ee shalay dalka soo gaaray.
Waxaa aqalka madaxtooyada wadanka looga arrimiyo State House ee magaalada Nairobi ku qaabilay madaxweynaha dalka William Ruto.
Shirka galabta furmaya ayaa la doonaya in lagu dardargeliyo dadaallada ka socdo gobolka ee xal waara loogu raadinaya colaadaha saameeyay Congo.
Wada hadallada nabadeed ee u dhexeya dowladda Congo iyo kooxaha hubeysan ayaa ah kuwo lagu xaqiijinaya sida madaxda waddamada ku mideysan jaaliyadda bariga Afrika ee EAC ay uga go’an tahay soo afjaridda dagaallada.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dowladda Kenya oo xubin ka ah EAC ay qaar ka mid ah ciidamadeeda militariga gaysay dalka Congo si ay kaalin uga qaataan xasilinta wadankaasi.