DHAGEYSO:Guddiga ganacsatada Islii oo soo dhaweyn u sameeyay wasiirka difaaca Kenya

0
401

Guddiga ganacsatada xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee magaalada Nairobi ayaa shalay qabtay xaflad ay ku soo dhaweynayeen wasiirka wasaaradda gaashaandhigga dalka Aadan Barre Ducaale.
Sheekh Maxamad Ibraahim Shakuul oo ka mid ah ganacsatada iyo guddoomiyaha guddiga ganacsatada xaafadda Islii Xaaji Yare ayaa sheegay in wasiirka uu u qalmo xilka loo dhiibay.

Waxaa sidoo kale madaxweynaha dalka William Ruto inuu Aadan Barre Ducaale u magacaabay wasiirka difaaca uga mahadceliyay siyaasiyiin uu ka mid yahay xildhibaanka bariga Mandera Xuseen Waitan oo sheegay in jagadan lagu aamino keliya qof lagu kalsoon yahay.

Xildhibaanka deegaanka Kamukunji Yuusuf Xasan Cabdi ayaa dhankiisa sheegay in xilligii doorashada uu ka qaldamay sahankooddii siyaasadeed balse ay hadda wasiirka ka rajeynayaan hoggaamin wanaagsan.