Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo sheegay in aan laga mashquulin doonin u adeegidda qaranka

Madaxweynaha dalka oo sheegay in aan laga mashquulin doonin u adeegidda qaranka

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu diiradda saarayo adeegyada loo fidiyo shacabka oo aynan marnaba siyaasiyiinta mucaaradka tani ka mashquulin doonin.
Hadalkan ayuu shalay ka sheegay kaniisadda (CITAM) ee xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa hoosta ka xarriiqay in isbeheysiga talada haya ee Kenya Kwanza uu xooga saaraya sidii uu u fulin lahaa ballanqaadyadii ka horreeyay doorashadii guud ee bishii Siddeedaad.
Waxaa uu cadeeyay in maamulkiisa uunan xubnaha mucaaradka ka xannibi doonin arrimaha dowladda oo uu u oggolaanaya inay ka soo baxaan waajibaadkooda la xisaabtanka dowladda.
William Ruto ayaa soo xigtay hadal uu jeediyay ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua oo ahaa inuu buuq jiro.
Hasa ahaate waxaa uu tilmaamay in mucaaradka ay shaqadooda haystaan, golaha fulinta ee dowladda iyo waaxda garsoorkana ay sidoo kale gudanayaan waajibaadkooda.
Waxaa uu dhammaan shaqaalaha dowladda ku boorriyay in aan laga weecin sidii kenyaanka ay ku heli lahaayeen adeegyo waxtar leh.
Tani ayaa imaanaysa maalmo un ka dib markii madaxa isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya, Raila Odinga uu sheegay in bartilmaameedsi siyaasadeed lagu hayo afar ka mid ah saraakiisha guddiga doorashooyinka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments