Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Musharraxiinta UDA ku matalaya doorashooyinka ku celiska ah oo la shaaciyay

Musharraxiinta UDA ku matalaya doorashooyinka ku celiska ah oo la shaaciyay

Xisbiga UDA ayaa shaaciyay in William Kisang uu ku matali doono tartanka doorashada ku celiska ee xilka senatarnimo ee ismaamulka Elgeyo Marakwet .
Jagadan ayaa bannaanaatay ka dib markii uu is casilay Kipchumba Murkomen oo loo magacaabay wasiirka waddooyinka, gaadiidka iyo howlaha guud.
William Kisang ayaa isreeb-reeb shalay la qabtay ka soo hooyay codad gaaraya 28,136 .
Sidoo kale doorasho xisbiga UDA uu ku qabtay deegaanka Kandara ayaa waxaa ku soo baxay Chege Njuguna.
Chege ayaa doonaya inuu buuxiyo xilkii ay iska casishay Alice Wahome ka dib markii ay noqotay wasiirka biyaha iyo waraabka.
Siyaasigan oo sidoo kale ganacsade ah ayaa helay codad dhan 7,826 waxaana ku soo xigay Titus Njau oo helay 5,335 oo codad ah.
Dhanka ismaamulka Garissa , UDA waxay soo xulatay Deeqoow Maxamad Barrow si uu ugu tartamo xilka xildhibaananimo ee deegaanka Garissa Township oo uu hayay wasiirka difaaca ee dalka Aadan Barre Ducaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments