Dowladda dhexe oo maalgelin ku sameyn doonto dekadda Lamu

0
173

Madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi ayaa sheegay in dowladda dhexe ay lacago dheeraad ah u qoondeyn doonto dekadda ismaamulka Lamu.
Waxaa uu sheegay in ilaa iyo hadda dekadda Lamu lagu qarash geliyay lacag dhan 56 bilyan oo shilin.
Arrintan ayuu shaaca ka qaaday xilli uu ka qayb galay damaashaad dhaqameedka sanadlaha ah ee Lamu oo la qabtay markii 20-aad.
Musalia Mudavadi ayaa sheegay in miisaaniyadda dheeraadka ah ee loo qoondeynaya dekadda Lamu loo mari doono mashruuca horumarineed ee LAPSSET si loo dardargeliyo gudbinta badeecooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here