Madaxweynaha dalka William Samoei Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka waxaa uu ku soo jeediyay in aan faragelin lagu sameyn howlaha golaha qaran ee xeer dejinta.
Hoggaamiyaha wadanka oo aan shakhsiyaad khaas ah magac-dhawin ayaa xusay in kuwo horay u burburiyay maamullada kormeerka iyagoo adeegsanaya heshiiskii taariikhiga ahaa ee sanadkii 2018-kii ay doonayaan inay saameyn ku yeeshaan baarlamaanka dalka.
William Ruto ayaa dalbaday in xildhibaannada loo oggolaado inay la xisaabtamaan afar ka mid ah saraakiisha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC oo dacwado laga gudbiyay.
Saraakiishan ayaa kala ah guddoomiye ku xigeenka IEBC Juliana Cherera ,Irene Masit, Francis Wanderi iyo Justus Nyang’aya.
Afarta sarkaal ayaa bishii Siddeedaad ee sanadkan ka soo horjeestay natiijadii ka soo baxday doorashadii dalka ka dhacday waxayna guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati ku eedeyeen inuu howshaasi u maareeyay si uu mugdi ku jiro.
Shalay ayay ahayd markii madaxda isbeheysiga Azimio La Umoja –One Kenya ee kala ah Raila Odinga ,Martha Karua iyo Kalonzo Musyoka ay dowladda dhexe ku eedeyeen inay guddiga arrimaha cadaaladda iyo dastuurka ee baarlamaanka u adeegsanayso in la dhibaateeyo afarta sarkaal.
Siyaasiyiintan ayaa hoggaamiyaha wadanka ku dhaliilay inuu dalka dib ugu celinaya nidaamkii keli-talisnimo balse aan taasi lagu guulaysan doonin.
Hasa ahaate William Ruto ayaa hadda sheegaya in shakhsiyaadka ka soo horjeedo in lala xisaabtamo howlwadeennada IEBC ee la eedeyay ay carqaladeynayaan hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo rabitaanka shacabka.
Waxaa uu sheegay in nidaamka hadda dalka ka jiro uu yahay mid ku saleysan kala dambeyn iyo sarreynta sharciga iyadoo aan loo daneynayn dad gaar ah sida uu qoraalka u dhigay William Ruto.
The lords of impunity,who destroyed oversight institutions using the handshake fraud,should allow parliament to hold rogue officials who put the nation in danger by subverting the democratic will of the people to be held to account. New order is RULE of LAW not wishes of big men.
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) November 25, 2022
There is due process and natural justice, things aren't just done at the whims of the executive.
The rule of law must prevail and not your jungle laws that you want to institute so as to subjugate Kenyans to a conveyor belt system of elections come 2027.
We shall not relent. https://t.co/wraA8Ocbul
— Raila Odinga (@RailaOdinga) November 25, 2022