Golaha xuquuqul aadanaha ee qaramada midoobay ayaa u codeeyay in la soo dhiso guddi xaqiiqo raadis ah oo baaritaanno madax bannaan ku sameyn doono qaabka ciidamada dowladda Iiraan ay uga falceliyeen dibadbaxyo wadankaasi ka dhacay.
Baaritaannada ayaa lagu eegi doonaa baaxadda xadgudubka lagu eedeyay saraakiisha ammaanka.
Guddiga ayaa diiradda saari doono dhibaatooyinka loo gaystay haweenka iyo carruurta Iiraan.
25 ka mid ah waddamada xubnaha ka ah golaha xuquuqul insaanka ee qaramada midoobay ayaa codkooda ku taageeray qorshahan.
Hasa ahaate waxaa codeynta ka aamusay 16 xubnood.
Waxaa arrintan ka soo horjeestay 6 waddan oo kala ah Armenia, Shiinaha ,Cuba, Eritrea, Pakistan iyo Venezuela .
Madaxa golaha xuquuqul insaanka ee qaramada midoobay, Volker Turk ayaa ciidamada Iiraan ugu baaqay inay joojiyaan awoodda aan xaddidaada lahayn ee ay u adeegsanayaan dibadbaxayaasha dalbanaya in la faahfaahiyo qaabkii ay xabsi ugu dhex geeriyootay Mahsa Amini oo 22 sano jir ahayd sidoo kalena inay caddaalad helaan qoyskeeda.