Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Ra’iisul wasaaraha Pakistan oo magacaabay taliyaha militariga

Ra’iisul wasaaraha Pakistan oo magacaabay taliyaha militariga

Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan Shehbaz Sharif ayaa xilka taliyaha guud ee ciidanka militariga wadankaasi u magacaabay General Asim Munir .
Waxaa arrinkan maanta barta Twitter-ka ku shaacisay wasiirka warfaafinta ee Pakistan Marriyum Aurangzeb.
Munir ayaa beddelaya General Qamar Javed Bajwa oo uu 29-ka bishan ku egyahay muddo xileedkiisa 6-da sano ah.
Ra’iisul wasaare Sharif ayaa taliyaha cusub ee militariga Pakistan ka soo dhex xushay liis ka kooban 6 qof ka dib kulanka golaha wasiirrada wadankaasi oo uu guddoomiyay.
Asim Munir ayaa hadda ka howlgalo xarunta dhexe ee ciidamada gaashaandhigga Pakistan ee magaalada Rawalpindi waxaa uuna horay u soo noqday madaxii adeegga sirdoonka ee (ISI).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments