Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Kiisaska Ebola ee Uganda oo yaraaday

Kiisaska Ebola ee Uganda oo yaraaday

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Uganda ayaa sheegtay inay hoos u dhaceen xaaladaha cudurka Ebola ee halkaasi laga diiwaangeliyay.
Degmooyinka qaar ayaan ugu yaraan labo toddobaad laga xaqiijin xaalad cusub.
20-kii bishii Sagalaad ee sanadkan ayay ahayd markii degmada bari ee Mubende ee wadanka Uganda laga xaqiijiyay Ebola.
Afhayeen maanta u hadlay wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi oo lagu magacaabo Emmanuel Ainebyoona, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in degmada Mubende aan ugu yaraan 16 cisho kiis cusub laga diiwaangelin.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in caasimadda Uganda ee Kampala aan labadii toddobaad ee ugu dambeeyay laga soo tabin cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments