Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Raila Odinga oo dhaliil wayn u jeediyay maamulka dalka hoggaamiyo

Raila Odinga oo dhaliil wayn u jeediyay maamulka dalka hoggaamiyo

Madaxa isbeheysiga Azimio La Umoja –One Kenya Raila Odinga ayaa shir jaraaid oo uu dhawaan qabtay waxaa uu ku dhaliilay maamulka UDA ee talada haya.
Waxaa uu Mr. Odinga ku andacoonaya in dowladda dhexe ay isku dayeysa inay dalka dib ugu celiso xilli keli- talisnimo oo laga soo gudbay.
Waxaa uu difaacay afar ka mid ah saraakiisha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC oo dacwado laga gudbiyay.
Saraakiishan ayaa kala ah guddoomiye ku xigeenka IEBC Juliana Cherera ,Irene Masit, Francis Wanderi iyo Justus Nyang’aya.
Afarta sarkaal ayaa bishii Siddeedaad ee sanadkan ka soo horjeestay natiijadii ka soo baxday doorashadii dalka ka dhacday waxayna guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati ku eedeyen inuu u maareeyay si uu mugdi ku jiro.
Raila Odinga ,Martha Karua , Prof. Makau Mutua iyo Kalonzo Musyoka ayaa shacabka u sheegay in isbeheysiga Azimio uunan marnaba ka gaabin doonin inuu ka hor tago qorshaha dowladda ee xilalka looga qaadaya afarta sarkaal.
Waxay sheegeen in howlwadeenadan lagu hayo bartilmaameedsi aan wanaagsanayn.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha cadaaladda iyo dastuurka uu maanta billaabay kal-fadhiyo lagu dhageysanaya dacwadaha ka dhanka ah 4-ta sarkaal ee IEBC ka hor inta aan iyagana la siin fursad ay isku difaacaan.
Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga iyo dhigiisa Wiper Kalonzo Musyoka ayaa maanta ka qayb galay kal-fadhiga guddiga JLAC.
Kalonzo Musyoka ayaa xubnaha guddigan ugu baaqay inay caddaaladda garab siiyaan oo aan loo adeegsan sida uu hadalka u dhigay xilka qaadis siyaasadeysan.
Waxaa uu ku celceliyay in hadda dalka ay ka jirto midnimo sidaas awgeedna aan loo baahneyn in kala qaybsanaan dadweyne la abuuro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments