Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Barasaabka Kiambu oo ka soo horjeestay in xilka laga qaado Moses Kuria

Barasaabka Kiambu oo ka soo horjeestay in xilka laga qaado Moses Kuria

Guddoomiyaha ismaamulka Kiambu ,Kimani Wamatangi iyo xildhibaanka deegaanka Koonfurta Mugirango , Sylvanus Osoro ayaa tallaabo aan loo baahneyn ku tilmaamay in xilka laga qaado wasiirka wasaaradda ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha dalka Moses Kuria.
Tani ayaa timid ka dib markii qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka ay sheegeen inay guda galayaan qorsho xafiiska looga saaraya Kuria haddii dowladda aynan ka laaban qorsho wadanka lagu soo gelinaya galley.
Hasa ahaate guddoomiyaha Kiambu ayaa qabo in doodda ku saabsan dalagga sida casriga ah lagu soo saaro ee GMO loo baahan yahay in aan la siyaasadeyn.
Waxaa uu sheegay in bakhaarrada cuntooyinka ee dalka aynan hadda ku keydsanayn galley wadanka ku filan sidaas awgeedna haddii wasiirka ganacsiga xilka qaadis lagu sameeyo ay caqabad ku noqon karto dadaallada lagula tacaalaya gaabadka cunno ee jira.
Xildhibaan Osoro ayaa dhankiisa xusay in loo baahan yahay in Kuria la siiyo fursad uu isku difaaci karo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments