Waxaa maanta xilkiisa loo dhaariyay Anthony Mwaura oo uu madaxweynaha dalka William Ruto maalmo ka hor u magacaabay guddoomiyaha maamulka uruurinta canshuuraha ee KRA.
Waxaa guddoomiyaha cusub xarunta maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ee magaalada Nairobi ku dhaariyay ku xigeenka madaxa diiwaangelinta waaxda garsoorka ee dalka Mr. Paul Maina.
Mas’uulkan ayaa hoggaamin doono guddiga maamulo KRA.
17-kii bishan ayay ahayd markii magacaabidda Mwaura lagu shaaciyay wargeyska rasmiga ee dowladda oo uu tirsigiisu yahay 245.
Anthony Mwaura oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddiga qaran ee doorashooyinka xisbiga UDA ayaa xilkan hayn doono muddo saddex sano ah wuxuuna beddelay Francis Muthaura oo uu muddo xileedkiisi dhammaaday.
Muthaura ayaa waxaa sanadkii 2018-kii magacaabay madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.
— The Judiciary Kenya (@Kenyajudiciary) November 24, 2022