Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Barasaabka Meru oo ka hadashay xilka qaadis lala damacsan yahay

Barasaabka Meru oo ka hadashay xilka qaadis lala damacsan yahay

Guddoomiyaha ismaamulka Meru ,Kawira Mwangaza ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay iska difaacdo eedeymo ay u jeediyeen wakiillada golaha hoose ee dowlad deegaankaasi.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo golaha loo gudbiyay mooshin la doonayo in xilka looga qaado Kawira oo lagu eedeyay ku takriifalka awoodeeda xafiiseed.
Waxyaabaha loo haysto waxaa ka mid ah inay shaqaaleysiisay xubno ka mid ah qoyskeeda.
Sidoo kale barasaabka ayaa lagu dhaliilay in si aan habboonayn ay magacaabid u sameysay.
Wakiillada ayaa Kawira ku eedeynaya inay sidoo kale ula macaamisho qaab xaqiraad laga dheehan karo.
Hasa ahaate waxay iska fogeysay dhammaan eedeymahan oo ay ku tilmaantay kuwo siyaasadeysan.
Dadweynaha Meru ayaa hadda fursad u haysta inay gudbiyaan aragtidooda ku aadadn xilka qaadista barasaabka balse waxay ku adkeysanaysa in aynan qalad sameyn oo xaqiiqada la ogaan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments