Turkiga oo bartilmaameedsaday kurdiyiinta Ciraaq iyo Syria

0
155

Wasiirka difaaca ee dalka Turkiga Hulusi Akar ayaa maanta sheegay in howlgallo militari lagu bartilmaameedsaday ku dhawaad 500 oo ah fariisimaha kooxda kurdiyiinta ee waddamada Ciraaq iyo Syria.
Waxaa uu sheegay in la duqeeyay xarumo gaaraya 471.
Wasiirka gaashaandhigga ee Turkiga ayaa intaasi ku daray in laga takhalusay 254 lagu tilmaamay argagixiso.
Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu wacad ku maray inay waqooyiga Ciraaq iyo Syria ka fulin doonaan duullaan dhanka dhulka ah oo aan la isku koobi doonin keliya duqeymaha cirka ee militari.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here