Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Dhulgariir saameeyay galbeedka Turkiga

Dhulgariir saameeyay galbeedka Turkiga

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 ayaa ku dhuftay galbeedka wadanka Turkiga sida laga soo xigtay xarunta baaritaannada dhulalka ee Yurub (EMSC).
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Turkiga ayaa dhankeeda sheegtay in ilaa iyo hadda aan la xaqiijin dhimasho degdeg ah oo ka dhalatay musiibadan.
Maamulka maareynta musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ee Turkiga (AFAD) ayaa sheegay in dhulgariirka laga dareemay degmada Golyaka, oo ku taalla waqooyiga galbeed ee gobolka Duzce.
Wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi ayaa dhankeeda xustay inay dhaawacmeen 35 qof.
Hasa ahaate maamulka AFAD iyo warbaahinta maxalliga ee Turkiga ayaa warbixintoodi ugu dambeeyay ku sheegay in dhaawaca uu yahay 50 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments