Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladda oo ay si dhow ula shaqeynayaan dhinacyada kala duwan ay xal ka gaari doonto iskudhacyada ku soo noqnoqday waqooyiga Rift Valley.
Waxaa uu sheegay inay ku dadaalayaan sidii arrintan looga dhabeyn lahaa.
Qorshahan ayuu ka hadlay xilli uu maanta qaabilay madaxda laga soo doortay ismaamulka Baringo.
Shirka ayaa looga hadlayay sida lagu soo afjari karo dhaca xoolaha iyo falalka kale ee burcadnimo ee saameeyay gobolkaasi.