Laamaha ammaanka ee ismaamullada Samburu iyo Kakamega ayaa sheegay inay dib u helaan labo qori oo horay loo xaday.
Hubkan ayaa ka mid ahaa afar qori oo lagala baxsaday saldhigga booliiska ee Suiyan ee Samburu iyo xarunta kale ee Khayega ee ismaamulka Kakamega.
Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in la xiray saddex eedeysanayaal oo falalkan lala xiriirinaya.
Howlgalka dib loogu soo helay hubka ayaa waxaa ka qayb qaatay ciidamo ka tirsan waaxyaha kala duwan ee amniga.