Saddex qof ayaa la xaqiijiyay inay geeriyoodeen ka dib markii ay ku soo duntay goob laga qodo macdanta gaar ahaan dahabka ee ku taalla ismaamulka Galbeedka Pokot.
Dhacdan ayaa sido kale waxaa ku dhaawacmay ilaa laba qof.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa ahaa haween.
Goobjooge lagu magacaabo Faarax Murilla oo ku sugnaa goobta dhacdadan laga soo tabiyay ayaa warbaahinta u sheegay in dadka deegaanka ay meydadka haweenka ka soo saareen burburka hoostisia.
Waxaa uu sheegay in haweenkan ay da’doodu u dhexeyso 20 ilaa 32 sano jir.
Guddoomiye xaafadeedka goobta falkan laga soo tabiyay Philomena Karotich ayaa sidoo kale xaqiijisay dhacdadan.
Waxaa ay xustay in haweenka ay waxyeeladu soo gaartay ay goobtaasi ka maareyn jireen nolosha qoysaskooda.
Mrs. Philomena ayaa intaasi ku dartay in dadka dhaawacmay haatan la dabiibayo, islamarkaana ay dhaawacyo fudud qabaan.
Dhanka kale, taliyaha booliiska ee bartamaha ismaamulka Galbeedka Pokot Nelson Omwenga ayaa xusay in daruufta nololeed ay dadka deegaanka ku qasabtay qodista dahabka haddana ay tahay arrin khatar ah.
Waxaa uu ugu baaqay dadka deegaanka inay raadiyaan habab kale oo ay ku maareyn karaan nolol maalmeedkooda.
Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka dowlad dhexe ku matala bartamaha dowlad deegaanka Pokot Jeremiah Tumoh Koech ayaa sheegay inuu booqday goobta dhacdadan laga soo tabitay, islamarkaana kooxdiisa ay baarayaan sida ay musiibadani u dhacday.