Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Qaraxyo waxyeello gaystay oo ka dhacay Quddus

Qaraxyo waxyeello gaystay oo ka dhacay Quddus

Waxaa lagu soo warramayaa in qaraxyo ay ka dhaceen meel u dhow labo ka mid ah goobaha laga raaco basaska ee ku yaalla magaalada Quddus ee dalka Falastiin.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada hal qof.
Ciidamada booliiska iyo saraakiisha caafimaadka ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 15 ruux oo kale ay dhaawacmeen.
Booliiska ayaa sheegay inuu jiro shaki ah in qaraxyada ay gaysatay koox Falastiini ah.
Weerarrada ayaa ku soo beegmay saacado un ka dib markii ciidamada Israa’iil ay dileen qof u dhashay Falastiin oo 16 sano jir ahaa.
Dilka ayaa ka dhacay magaalada Nablus ee daanta galbeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments