Xubnaha aqalka sare oo su’aallo weydiiyay wasiirka tacliinta

0
267

Senatarrada aqalka sare ee dalka ayaa wasaaradda waxbarashada ka dalbaday inay faahfaahin ka bixiso sida loo adeegsaday lacag dhan 873 milyan oo shilin taasoo loogu tala-galay in lagu quudiyo ardayda.
Tani ayaa timid ka dib markii wasiirka waxbarashada Ezekiel Machogu uu guddiga arrimaha tacliinta ee aqalka sare u sheegay in lacagtan cunnooyin loogu iibiyay ardayda wax ka barta dugsiyada ku yaalla deegaannada oomanaha ah.
Hasa ahaate senatarrada ayaa tani shaki geliyay.
Waxay sheegeen in xarumaha waxbarasho ee ay wasaaraddu xustay aan laga fulin barnaamij quudin ah.
Ku xigeenka guddoomiyaha guddiga arrimaha waxbarashada ee aqalka sare Peris Tobiko ayaa wasaaradda ka dalbatay inay caddeyso sida ay u isticmaashay dhaqaalihii la siiyay si ardayda aynan dugsiyada uga bixin xilligan oo ay abaar jirto.
Wasiirka tacliinta ayaa dhankiisa sheegay in 201 milyan oo shilin oo lacag caddaan ah la siiyay dugsiyada halka 607 milyan cunno lagu iibiyay iyadoo 54 milyan oo isticmaalay in cuntada la gaarsiiyo dugsiyada ismaamullada Turkana, Samburu, Garrisa, Wajeer, Marsabit, Isiolo, Tana River, Mandera iyo West Pokot.