Madaxweynaha dalka Brazil ,Jair Bolsonaro ayaa muran geliyay natiijada doorashadii guud ee wadankaasi ka dhacday bishii hore.
Waxaa uu ku andacoonaya in Luiz Inacio oo ay wada tartameen uunan si caddaalad ah uga guulaysan.
Bolsonaro iyo xulafadiisa ayaa dacwad arrinkan ku aaddan hor geeyay maxkamadda arrimaha doorashooyinka ee Brazil ee (TSE).
Waxay doonayaan in xaqiijin dheeraad ah oo ay ku tilmaameen mid aan caadi ahayn lagu sameeyo natiijada.