DHAGEYSO:Wasiirka waxbarashada oo gaaray Wajeer

0
345

Wasiirka waxbarashada oo gaaray Wajeer
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Ezekiel Machogu ayaa socdaal ku tagay ismaamulka Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari.
Wasaaradda waxbarashada ayaa safarka wasiirka ku xaqiijisay barteeda rasmiga ee Twitter-ka.
Waxaa uu halkaasi kulamo wadatashi ah kula qaadan doonaa kooxo kala duwan oo loo xil saaraya maareynta imtixaannada qaran ee billaabanaya dabayaaqada bishan 11-aad.
Cabdiraxmaan Mucaawiye ayaa qodobkan oo dhameystiran Wajeer ka soo diray.