Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Wasiirada difaaca ee Maraykanka iyo Shiinaha oo kulmay

Wasiirada difaaca ee Maraykanka iyo Shiinaha oo kulmay

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warramaysa in wasiirka gaashaandhigga ee Maraykanka Lloyd Austin uu la kulmay dhigiisa dalka Shiinaha Wei Fenghe.
Kulanka ayaa maanta oo Talaado ah ka dhacay dalka Cambodia.
Labada dhinac ayaa wada hadallada dhex maray ku tilmaamay kuwo miro-dhal ah.
Maraykanka iyo Shiinaha ayaa horay isugu qabtay arrimo xasaasi ah sida madax bannaanida jasiiradda Taiwan, amniga, xuquuqul insaanka hasa ahaate waxaa tan iyo toddobaadkii hore jiray dadaallo lagu yareynaya xiisadda u dhexeysa.
Sarkaal ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa sheegay in shirka oo qaatay hal saac iyo bar looga hadlay arrinta Taiwan.
Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee dalka Shiinaha ayaa wada hadallada ku tilmaamay kuwo daacad laga ahaa, qoto-dheer oo wax ku ool ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments