Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa soo dhisay guddi heer qaran ah oo u xil saaran wax ka qabashada abaaraha.
Waxaa guddigan uu madaxweynaha dalka soo dhisay hoggaaminayo madaxa fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom Peter Ndegwa.
Guddigan oo ka kooban 13 xubnood ayaa waxaa ku jira madaxda sare ee shirkadaha dalka waxa uuna shaqeyn doonaa muddo hal sano ah.
Howlahooda muddada sanadka ah ayaa lagu sheegay inay uu ololeyaan sidii loo kordhin lahaa barnaamijka gurmadka ka dhanka ah abaaraha ee dowladda ee lagu yareynayo saameynta abaarta dalka ka jirta.
Mas’uliyiinta guddigan qaybta ka ah waxaa ka mid ah James Mwangi oo ah madaxa bangiga Equity Bank dhigiisa bangiga Diamond Trust Bank Nasim Devji, Shumaz Savani oo isna ah madax bangiga ABC Bank iyo kuwa kale oo hoggaamiyo shirkadaha dalka.
Guddiga ayaa warbixintooda uu soo gudbin doono madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Kenya ayaa afartii sano ee ugu dambeysay waxaa soo maray abaaro ka dhashay roobab la’aan taasi oo keentay saameyn taabatay qaybo badan oo wadanka ah.