Ugu yaraan shan qof ayaa dhimatay halka 18 kale ay dhaawacmeen, ka dib toogasho ka dhacday goob lagu caweeyo oo ku taalla Colorado Springs ee gobolka Colorado ee dalka Maraykanka
Tuhmane loo xiray weerarkan ayaa magaciisa lagu sheegay Anderson Lee Aldrich, oo da’diisu tahay 22 sano jir.
Booliiska ayaa tuhmanaha xabsiga u taxaabay, isagoo haatan laga daaweynaya dhaawac soo gaaray.
Wali wax war ah booliiska ma aysan ka soo saarin sababta ka dambeysay weerarkan.