Waxaa ay doorasho guud maanta ka dhacaysa dalka Equatorial Guinea .
Madaxweyne Teodoro Obiang Nguema ayaa markii 6-aad tartamaya.
Obiang oo 80 sano jir ah ayaa dalkaasi hoggaaminayay in ka badan 43 sano.
Waa madaxweynaha ugu muddada dheer caalamka marka laga soo tago boqorrada.
Waxaa jagadan kula loolamaya Andres Esono Ondo oo 61 sano jir ah oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Equatorial Guinea.
Esono ayaa ah xoghayaha guud ee xisbiga (CPDS) wuxuuna hoggaanka wadankaasi u tartamaya markii ugu horreysay.
Ondo ayaa ka cabsi qabo in wax isdaba marin la sameeyo marka loo codeynaya madaxweynaha , senatarrada iyo xildhibaannada baarlamaanka.
Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii dowladda dalkaasi ay siyaasigan ku eedeysay in isagoo helaya maalgelin shisheeye inuu qorsheeyay afgembi.
Waxaa sidoo kale xilka madaxtinnimo ee Equatorial Guinea u tartamaya Buenaventura Monsuy Asumu oo ka tirsan xisbiga (PCSD).