Wasiirka ganacsiga oo shaaciyay badeecooyinka uu qiimahoodu hoos u dhacay

0
255

Wasiirka wasaaradda ganacsiga , maalgashiga iyo warshadaha dalka Moses Kuria ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo daabacay liiska badeecooyinka uu qiimahoodu hoos u dhacay.
Kuria ayaa sheegay inuu hor u socod jiro maadaama dowladda dhexe ay qaadeyso tallaabooyin lagu yareynaya qiimaha cuntooyinka ee gudaha dalka.
Wasiirka ganacsiga ayaa qoraalkiisa ku xusay in qiimaha lagu iibiyo badeecooyinka burka , sonkorta iyo saliidda uu hoos u dhacay boqolkiiba 11.5%, 18%, iyo 22% .
50-kii kiilogaraam ee sonkorta oo horay la iibinayay 7,200 oo shilin ayaa hadda ah 5,800 sida laga soo xigtay wasiirka ganacsiga ee dalka.
Halkii kiilogaraam ee saliidda cunnada ayaa horay qiimihiisu ahaa 340 oo shilin balse waxaa uu noqday 280 shilin.
Waxaa uu intaasi ku daray in saddexdii cisho ee la soo dhaafay gudahooda in qiimaha halkii kiish ee galleyda oo horay ahaa 5,600 oo shilin uu noqday 4,900 tani oo u dhiganta hoos u dhac ah boqolkiiba 11.5%.
Dhanka kale wasiirka ayaa cambaareeyay qaar ka mid ah qaybaha bulshada oo ka soo horjeestay qorshaha ay dowladda dhexe wadanka ku soo gelinaysa ilaa 10 milyan oo kiish oo ah galleyda sida casriga lagu soo saaray ee (GMO) .
Waxaa uu Kuria ku andacoonaya in shakhsiyaadkan ay yihiin maalqabeenno aan dani ka lahayn baahida danyarta.
Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka ganacsiga uu shaaciyay in 6-da bilood ee nagu soo aaddan dibadda wadanka laga soo dejin doono galleyda noocani ah iyo midda caadiga oo aan wax canshuur ah la saareyn.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here