Madaxweynaha dalka oo sheegay in Alle bari la sameeyay looga badbaaday rabshado

0
345

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in ka hor doorashadii guud ee wadanka ka dhacday 9-kii bishii Siddeedaad ee sanadkan aad loo Alle baryay taaso Kenya ka badbaadisay rabshado la xiriira codeynta.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu maanta ku sugnaa kaniisadda FEM ee xaafadda Karen ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu u baahan yahay in madaxda diimeed ay u duceeyaan si uu ugu guulaysto wax ka qabashada baahiyaha kenyaanka.
Ruto ayaa hoggaamiyaasha diimeed ka codsaday inay duco garab ku siiyaan si dakhli uruurinta loo kordhiyo boqolkiiba 25.