Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Israsaaseyn khasaaro gaysatay oo ka dhacday magaalada Garoowe

Israsaaseyn khasaaro gaysatay oo ka dhacday magaalada Garoowe

Waxaa xalay magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ay Israsaaseyn ku dhexmartay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Puntland iyo rag hubeysan oo ka ganacsanaayay waxyaabaha maandooriyaha ah, falkaas ayaa gaystay khasaaro.
Rasaasta ayaa billaabatay ka dib markii Ciidanka Booliiska Puntland oo Garoowe ka waday howlgalo qorsheysan ay isku dayeen inay ku qabtaan rag hubeysan oo xilligaasi ka ganacsanayay maandooriye, waxaana dhacay iska horimaad dhexmaray labada dhinac.
Taliska Booliiska Gobolka Nugaal oo War ka soo saaray dhacdadan ayaa waxaa sheegay in howlgalkii laga fuliyay magaalada lagu qabtay saddex ka mid ah kooxo burcad ah oo maandooriyaha iibinayay, kuwaas oo laba ka mid ah ay dhaawacyo soo gaareen.
Qoraalka Booliiska ayaa sidoo kale lagu sheegay inay laamaha amaniga gacanta ku soo dhigeen hub iyo gaari khamri ah oo ay wateen ragga la qabtay oo dhammaantood ahaa dablay hubeysan oo lagu eedeeyay inay falal amni darro ka wadeen gudaha Garoowe.
Dhanka kale Ciidanka Booliiska ayaa waxaa israsaaseynta uga dhaawacmay hal Askari iyo qof shacab ah oo ah Haweeney, waxaana haatan xaaladooda Caafimaad lagu dabiibaya mid ka mid ah goobaha caafimaadka ee magaalada Garoowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments