Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Bill Gates oo Afrika u ballanqaaday 7 bilyan oo doolar

Bill Gates oo Afrika u ballanqaaday 7 bilyan oo doolar

Hay’adda Bill & Melinda Gates foundation ayaa ballanqaaday inay waddamada qaaradda Afrika ku taageeri doonto lacag dhan 7 bilyan oo doolar.
Deeqdan ayaa loo adeegsan doonaa wanaajinta adeegyada caafimaadka , wax soo saarka beeraha iyo xaqiijinta sinnaanta jinsiyadeed.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu kulan la qaatay ardayda jaamacadda Nairobi.
Waxaa uu sheegay in ballanqaadkan cusub uu yahay mid barbar socdo mashaariicda ay fulinayaan waaxyo kala duwan ee ay hay’adda maalgeliso.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo 278 milyan oo qof oo ku nool qaaradda Afrika ay la daala dhacayaan gaajo oo in ka badan 37 milyan oo dadkan ka mid ah ay xaalado adag wajahayaan.
Gudaha Kenya hay’adda Bill & Melinda Gates Foundation ayaa maalgelisay dhinacyada beeraha , caafimaadka sida tallaalka , nafaqada iyo nadaafadda .
Sidoo kale waxay lacago ku bixisay mashaariic la xiriira adeegyada maaliyadeed, sinnaanta jinsiyadeed iyo qorsheynta qoyska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments