3 qof oo loo xiray hub laga xaday saldhig boolis oo ku yaalla ismaamulka Homa Bay

0
292

Laamaha ammaanka ee ismaamulka Homa Bay ayaa xabsiga u taxaabay saddex qof oo lagu tuhmaya hub laga xaday saldhigga booliiska ee Kipasi ee deegaanka hoose Mita ee ismaamulkaasi.
Shakhsiyaadkan ayaa lagu soo qabtay howlgallo lagu raadinayay hubka la xaday.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala ismaamulka Homa Bay Moses Lilian oo xaqiijiyay xiritaanka 3-da qof, ayaa sheegay in eedeysanayaasha la xiray su’aallo la waydiinaya.
Waxaa uu sheegay in boqollaal ka tirsan booliiska gobolka Nyanza la geeyay tuulooyinka ku xeeran aagga saldhigga Kipasi si ay u soo helaan hubka la xaday oo ay ka mid yihiin saddex qori oo G3 ah, hal nooca Ak 47 ah iyo 110 raraas ah.
Falkan ayaa la soo tabiyay habeenimadii Arbacada ee toddobaadkan.
Mr. Lilan ayaa xusay in dhammaan guddoomiye xaafadeedyada, ku xigeenadooda iyo odayaasha deegaanka ay qayb ka yihiin baaritaannada socdo.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in howlgallada baaritaannada ah la gaarsiin doono dhammaan deegaannada ismaamulka Homa Bay iyo dowlad deegaannada kale ee ka baxsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here