Xildhibaanka Sirisia oo lagu siidaayay 10 milyan oo damaanad lacageed ah

0
347

Maxkamadda dalka ayaa mudanaha deegaan baarlamaneedka Sirisia ee ismaamulka Bungoma, John Waluke ku siidaysay damaanad lacageed oo dhan 10 milyan oo shilin.
Waluke ayaa doonaya in aan lagu fulin xukun xabsi oo gaaraya 67 sano kaasoo ka soo baxay maxkamadda sare ee dalka laanteeda qaabilsan la dagaalanka musuqmaasuqa.
Waaxda dacwad oogidda dalka oo uu matalaya Alexander Muteti ayaa ka soo horjeedday in maxkamadda ay tixgeliso codsiga racfaanka ee eedeysanaha.
Muteti ayaa maxkamadda u sheegay in xukunka xabsiga ee 67-da sano ah si sharci ah loogu riday Waluke sidaas awgeedna aan loo baahneyn in laga laabto.
Hasa ahaate garsoorayaasha ka howlgalo maxkamadda racfaanka ee kala ah Asike Mahandia, Grace Angenye iyo Sankale ole Kantai ayaa sheegay in mudanaha uu bannaanka ku joogaya damaanad lacageed.
Amarkan ayaa shaqeynaya ilaa inta maxkamadda racfaanka ay ka dhageysanaysa oo ay go’aan ka soo saareysa dacwadda racfaanka ah ee uu siyaasigan gudbiyay.
Bishii hore ayay ahayd markii John Waluke uu racfaan codsaday maadaama sida uu hadalka u dhigay xukunkii xabsiga ee lagu riday uu ahaa mid adag oo aan loo qiil dayi karin.
Xildhibaanka ayaa ku eedeysan inuu guddiga qaran ee keydinta dalagga ee (NCPB) uu ka musuqmaasuqay in ka badan 313 milyan oo shilin.
Waxaa sidoo kale falkan lala xiriiriyay Grace Sarapay Wakhungu oo iyada iyo mudanaha ay wada leeyihiin shirkadda Erad Supplies & General Contracts Limited (Erad).
Waluke iyo Wakhungu ayaa sanadkii 2004-tii laga doonaya inay guddiga dalagga ee NCPB ku wareejiyaan 40,000 taan oo galley balse waxay lacagta qaateen iyagoo aan geyn hal kiish oo galley ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here