Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kenya Airways oo bisha soo socoto billaabeysa duullimaadyada tooska ee Mombasa iyo...

Kenya Airways oo bisha soo socoto billaabeysa duullimaadyada tooska ee Mombasa iyo Dubai

Shirkadda duullimaadyada wadanka ee Kenya Airways ayaa lagu wadaa inay billowdo duulimaad toos ah oo isku xiraya magaalo xeebeedka Mombasa iyo Dubai ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.
Duullimaadyada labada magaalo ayaa billaabanaya 15-ka bisha 12-aad ee sanadkan.
Shirkadda Kenya Airways ayaa sheegtay inay duullimaadyadan tooska ah u qorsheysay toddobaadkii 4 mar, iyadoo adeegsaneysa shirkadda diyaaradaha ee Boeing 737-800.
Waxaa ay intaasi ku dartay inay tallaabadan qaadayaan iyagoo ka jawaabaya baahiyaha jira ee Suuqa.
Duullimaadyada tooska ee isku xiraya magaalooyinka Mombasa iyo Dubai ayaa la filaya in si toos ah looga faa’iideysto suuqa bariga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments