Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland oo dil toogasho ah ku...

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland oo dil toogasho ah ku fulisay labo nin

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa Maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay labo nin oo la sheegay inay horay si bareer ah u dileen laba ruux oo shacab ahaa.
Labada nin ee toogashada Maanta lagu dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Yuusuf Cabdulle Ismaaciil oo la sheegay inuu horay dil ugu gaystay marxuum lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Axmad Iimaan, halka Cabdi Xasan Isaaq isna la sheegay inuu horay si bareer ah u dil ugu gaystay Marxuum Axmad Xuseen Cismaan.
Xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Mowliid Axmad Yaasiin oo toogashada ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dilka labada nin Maxkamadda ku fulisay inay daawo u tahay nabad ku wada noolaashaha shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in qof walba oo dil bareer ah u gaysto qof kale ay diinta islaamka iyo xeerarka dalka u yaalaba ay qabaan in lagu fulin doono qisaas qof walba oo gaysta dil bareer ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments