Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International ayaa dowladda dalka Sri Lanka ugu baaqday inay meesha ka saarto dacwadaha ka dhanka ah labo qof oo hoggaamiyay dibabaxyo dhacay.
Baaqan ayaa waxaa soo saartay cilmi baaraha Amnesty u qaabilsan Koonfurta qaaradda Aasiya Thyagi Ruwanpathirana.
Waxaa ay sheegtay in dacwadaha loo haysto labada arday ay yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn sidaasi awgeedna dowladda Sri Lanka laga doonayo inay siidayso oo aynan sii kordhin muddada ay xabsiga ku sii jirayaan.
Labada ruux ayaa xirnaa in ka badan saddex bilood ka dib dibadbaxyadii sanadkii hore looga soo horjeeday dowladda wadankaasi.
Amnesty ayaa mar kale dowladda Sri Lanka ka codsatay inay waxba kama jiraan ka soo qaado xeerka ka hor tagga argagixisada ee (PTA) .
Wasantha Mudalige iyo Galwewa Siridhamma ayaa labaduba ah madaxda ardayda jaamacadda.
Waxaa la xiray bishii Siddeedaad ee sanadkan.