Booliiska Nairobi oo baaraya geerida qof u dhashay Shiinaha

0
261

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Nairobi ayaa billaabay baaritaano ku aaddan geerida muwaadin shiinees ah.
Arbacadii ayay ahayd markii meydka Yang Changgui oo 58 sano jir ahaa laga helay xaafadda Lavington ee magaalada Nairobi.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in sidoo kale guriga lagu dhex arkay koobabka abaal marinta ee cayaaraha.
Waxaa meydka oo sariirta saaran soo helay saraakiisha ka howlgalo saldhigga booliiska ee Muthangari.
Warbixinta booliiska ayaa muujinaysa in meydka aan lagu arkin wax dhaawac ah waxaa uuna hadda yaalla xarunta meydadka ee Chiromo ka hor inta aan qalliin baaritaan ah lagu sameyn.