Nin kufsaday haweeney dhimirka ka xanuunsan oo la xiray 20 sano

0
247

Waaxda dacwad oogidda wadanka ayaa sheegtay in maxkamad ku taalla ismaamulka Murang’a ay xukun xabsi oo 20 sano ah ku ridday nin loo haysto inuu kufsi u gaystay haweeney 25 sano jir ah.
Samuel Kamau ayaa xadgudubkan kula kacay haweeneyda oo naafo ka ah dhanka maqalka iyo dhimirka labaduba.
Saraakiisha dacwad oogidda oo ay hoggaaminayso Caroline Muriu ayaa maxkamadda u sheegay in eedeysanaha uu ka faa’iidaystay baahiyaha gaarka ah ee dhibbanaha.
Waaxda dacwad oogidda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay maxkamadda u soo bandhigtay caddeymo wax ku ool ah oo kiiskan la xiriira.
Samuel ayaa haweeneyda kufsaday xilli waalidiinteeda ay munaasabad aas ah ku maqnaayeen waxaana isagoo gabadha dhibaateynaya arkay wiil ay iyada wada dhasheen.

Sidoo kale maxkamadda Murang’a ayaa nin lagu magacaabo John Chege ku xukuntay xabsi daa’in ka dib markii lagu cadeeyay dembi ah inuu faraxumeeyay wiil 9 sano jir ah.
Tani ayaa imaanaysa hal bil ka dib markii nin ka soo jeedo ismaamulka Narok lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah ka dib faraxumeyn uu u gaystay gabadh 14 sano jir ah.