Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kenyaanka oo lagu boorriyay inay geedo abuuraan

Kenyaanka oo lagu boorriyay inay geedo abuuraan

Waaxda keymaha wadanka ee KFS ayaa dadweynaha ugu baaqday inay ka faa’iidaystaan roobabka da’aya oo ay geedo beeraan.
Madaxa ilaalinta keymaha Julius Kamau ayaa xusay in tallaabadan ay kordhin karto baaxadda keymaha wadanka.
Waxaa uu soo jeediyay in geedaha lagu abuuro meelaha dadweynaha iyo xarumaha sida gaarka ah loo leeyahay.
Kamau ayaa maamullada goobaha waxbarasho kula taliyay in baaxadda dhulka ee ay haystaan ay geedo badan ku abuuraan.
Dowladda Kenya ayaa ku dadaalaysa in boqolkiiba 30 la kordhiyo baaxadda keymaha wadanka ka hor ama ugu dambeyn sanadka 2032.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa horay u sheegay inuu jiro qorsho muddo shan sano gudaheeda ah lagu beeraya 5 bilyan oo geedo ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments